Madaafiic ayaa xaley saqdii dhexe lagu garaacay meel ku dhow xarunta degmada Wardhiigley ee Muqdisho, madaafiidan ayaa la sheegayaa in uu ku dhintey Hal qof ey ku dhaawacmeen in ka badan 5 Qofood.
Madaafiicdan oo laga soo tuurayay deegaanno ku yaalla dhinaca waqooyi-galbeed ee Muqdisho ayaa u muuqday kuwo lagu bartilmaameedsanayay madaxtooyada Soomaaliya, iyadoo hay’adaha ammaanka ee dowladdu aysan wax war ah kasoo saarin duqeyntii xalay.
Madaafiicdani oo ahaa ku dhawaad toban madfac ayaa waxay ku dhaceen meelo ku dhow xarunta madaxtooyada, waxaana duqeyntan ay noqonaysaa tii labaad oo ka dhacda Muqdisho bishan gudaheeda.
Duqeyntii xalay ayaa waxay kusoo beegmaysaa xilli uu madaxweynaha Soomaaliya dalka dibadda uga maqan yahay, iyadoo duqeyntii middan ka horreysay ay sidoo kale dhacday xilli uu madaxweynuhu safar dibadda ah ku maqnaa.
Daafeet.Com