Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya ayaa ku isku raacay in dib ay ugu noqdaan qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan Kenya,wadankooda hooyo oo iminka laga dheehanayo hanaan nabadeed oo wax ku ool ah.
Kadib kulan labo geesood ah oo Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya ay ku yeesheen maalintii danbe ee shalay ayaa waxa ay kaga hadleen labada Madaxweynaha arimo badan oo dhinac badan taabanaya oo inta badan Soomaaliya xariir la leh.
Waxa ayna ka dhaheen in arinta dib u celinta qaxootiga Soomaaliyeed ay tahay arin muhiim ah,islamarkaana la joogo waqtigii Kenya ay ka nasan lahayd caawinta iyo isku howlida qaxootiga Soomaaliyeed oo in mudo ah ay la daala dhaceysay.
Madaxweynayaasha Soomaaliya Prof Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Kenya Mwki Baki ayaa beesha caalamka si wadajir ah kaga codsaday inay ka caawiyaan sidii qaxootiga Soomaaliyeed ay dib ugu noqon lahaayeen Soomaaliya,gaar ahaan goobihii dhawaan laga saaray Ururka Al-Shabaab oo ay sheegeen inay ka nabdoon tahay sidii hore,si markaasi ay kaga qeyb qaataan horumarka iyo dib u dhiska wadanka.
Labada Madaxweyne ee Kibaki iyo Xassan Sheekh waxay ammaaneen doorka AMISOM ee nabadeynta Soomaaliya iyo in Al-Shabaab ay AMISOM ka xoreyso qeybo badan oo kamid Soomaaliya iyagoona gollaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ka dalbaday in la kordhiyo joogitaanka AMISOM ee Soomaaliya.
Daafeet.Com