Digniin ku Wajahan inta Xumaha Jecel ee ku Jira Qowmiyada Digil iyo Mirifle

0
195

5Dear Digil iyo Mirifle “Intellectuals”

Aswwbr,

Sidan ugu warqabno dadkeena iyo dalkeena waxaa heysta dhibaato baaxad leh, ma rabi inaan halkaan ku gabyo ama idinla hadlo dad aan xaalka wadanka la socon.

Waxaa in mudo ahba caalamka, NGO’ada, dowladaha deriska nahay iyo dadka nala degen “Digil iyo Mirifle” ahaan goorta aan cawradeena asturanayno, goorta aan dhahayno ENOUGH ilmo, haween iyo duqow gaajo u dhamaanaynaan every 10 year cycle, goorta gacan hoorsiga ka baxayno, goorta aan ka baxayno magacyada la inoogu waco ” Gudhuu, Looma-Oyan iwm”, goorta dumarkeena uurka leh markey Isbitaalada Muqdisho tagaan aan loo daryeeleynin iyagoo loo arko second class citizen,………….iyo waxyaabo faro badan.

Hadaba si taas looga baxo dadbaa u tashtey si uun at least ONE HELL OF QUOTA umadeena rajo soo geliyaan.

Maanta waxaa jira CADOW ka xun kan raba inuu dhulka la wareego, kan ina xasuuqey, iyo kan inagu soo maqan.

Hadaba yey yihiin CADOWGAAN ku fekero markasta hadii aan JAGO hebel helin DM ha baaba’aan?

Hadaba CADOWGAN ku fekero in markasta hadii qabiilkeeyga uusan SHARE helin WAA La isla Baaba’yaa?.

Imagine hadii “INTELLECTUALS” ay leeyihiin CADOWGAAN rabin in DM xerooyinka DAY & NIGHT lagu kufso haweenkooda aanan u danqaneynin?

IMAGINE CADOWGAAS in ay ku jiraan kuwiina aan la Hadlayno?

IMAGINE Saxaafadii ama Warbaahintii la rabay iney SHACABKA DM u adeegto ay shaqo ka dhigato u adeega kala dhantaalida iyo burburka DM.!!!

Hadaba waxaan in dhowaana isha ku  heyney shaqsiyaad, Warbaahin u Tafaxaystey Burburinta ifafaalaha u soo muuqda bulshada DM ee gudaha jooga.

Walaalkeen Eng Salah Sheikh Osman baaq uu doraad soo direy wuxuu ka hadley sida ay wax u jiraan, waxaa ku xigey Walaalkeen Abdi Adan Hoosow oo isna ina soo siiyey meel ay hada wax marayaan.

Hada waxaa magaalada Baydhabo jooga odayaasha DM intooda badan si ay u bilaaban wadatashiga MAAMUL SAMEEYNTA KOONFURTA SOMALIYA.

Waan idinku celin waa MAAMUL U SAMEYNTA KOONFURTA SOMALIYA, ma ahan Dowlad Dhexe.

Maxaa keeney in odayaashan riskiga/khatar u wajahaan? Halka “intellectuals-kana” ka Shaqeynayaan in “DHIIG LA DAADIYO”.

DOWLADA FEDERALKA XAMAR iyo Maamul u sameynta Koonfurta maxaa isku xirey?

Qofkii Xamar wax kawaayey oo AQOONTIISA reebtey maxaa xanaaqiisa ugula noqonayaa Baydhabo oo uu rabaa inuu wax Burburiyo?

Maxay shaqsiyaadkan u rabaan in DM aysan ka bixin status quo-kii lagu jirey ilaa 60-kii?

Yey faa’iido u tahay maamulka hada qorshihiisa la wado hadii uu miro dhalo? Ma hal qabiil baa faa’iido u ah mise umada oo dhan?

Ma shaqsi baan u danaynaa mise umadan 24/7 for 365 days xero ku jiro oo uusan garaneyn waxa uu cuni doono ama ilmihiisa/ilmaheeda cuni doonaan. ama nabada ku baryi doonaan maalinta xigta.

Bilaah Caleykum, Ka soo baxa xeyndaabka SHAQSI/QABQABLE JACEELKA, xeyndaaba XASADKA, xeyndaabka ISLAWEYNIDA, xeyndaabka KHIYAANADA.!!!

Waxaan idin soo gudbin doonaa sida gudiga shaqada ku leh arimaha maamul u sameynta waxa u wadaan. Shaqsiyaadka caqabadaha ku ah in DM xoroobo, kuwa dacaayada ku wada odayaasha iyo gudigaba, kuwa raba iney DM kala dhantaalaan, kuwa raba in DM weli second class citizen ahaadaan, kuwa raba in halgankii RRA-da ee umada ka wada dhaxeysey beel ahaan isu lahaysiiyaan, kuwa raba in gumaadka tartiibta  (slow genocide) ah ee umadan lagu hayo sii socoto.

Hoos waxaa ku qoran qoraalka Abdi A Hoosow oo ah xubin ka mid ah gudiga maamul u sameynta dhulka Koonfurta Somaliya;

KA DAALACO:-

http://daafeet.com/?p=3013

ama

http://www.ishabaydhaba.com/?p=34961

Afeef: Qoraalkan shaqsi kuma magacaabna, balse waa Digniin hadii ay ku Khuseyso inaad wax iska bedesho hadii wax aan kor marney qeyb ka tahay.

Wabilahi Towfiiq

Walaal jecel Badbaadinta Dadka DM iyo inta la Nool ama Deris la ahba.

Daafeet.com