Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, C/xakiim Maxamuud Xaaji Fiqi oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka ayaa maanta oo Axad safar shaqo ugu ambabaxay dalalka Kenya iyo Uganada oo ay ciidammo ka joogaan Soomaaliya si uu ula kulmo wasiirrada difaaca dalalkaas.
C/xakiin Fiqi ayaa wuxuu maanta kula kulmi doonaa magaalada Nairobi dhiggiisa Kenya, Maxamed Yuusuf Xaaji iyagoo kawada hadli doona sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhanka amniga ah ee ka dhexeeya labada dal iyo sidii loo horumarin lahaa howlgallada ay ciidamada Kenya ee qaybta ka ah AMISOM ay kawadaan Jubbooyinka gaar ahaan magaalada Kismaayo.
Wasiirka difaaca Soomaaliya ayaa safarkiisa Kenya u dhoofi doona dalka Uganda si uu halkaas ugula kulmo dhiggiisa, Karisbas Kyonga wuxuuna kala hadli doonaa sidii loo kordhin lahaa loona dardar-gelin lahaa howlgalka ciidamada AMISOM.
Daafeet.Com