Wasiirka adeega Bulshada Maryan Qasim oo sheegtey in ey hirgelinayaa Isbitaal cusub

0
65

maryan qasimWasiirka Wasaarada adeega Bulshada Xukuumadda Soomaaliya Maryan Qaasim oo warbaahinta hadal ku siisay xarunta Dugsiga sare ee Banaadir ayaa sheegtay in halkaasi qeyb kamid ah laga hergilanyo dhismaha isbitaal weyn oo lacag la’aan ah.

Wasiirka adeega Bulshada ayaa waxa ay sheegtay in muddo labo bilood gudahood ah lagu dhisayo isbitaalka kadibna la furayo isbitaalkaasi oo qeybo badan yeelanayo noqonaya mid caalami ah.

Waxa ay sheegtay in furida isbitaalkani uu qeyb ka yahay qorshaha 100-maalmood ee Dowladda Soomaaliya.

Maryan Qaasim Wasiirka adeega Bulshada Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in Hay’adaha Turkiga ee ku sugan dalka Soomaaliya ay ka gacan siinayaan furida isbitaalkaasi.

Daafeet.Com