Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka oo ay wehliyaan taliyayaasha Ciidamada Booliiska iyo nabadsugida ayaa habeenkii Labaad kormeeeray xaafado ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir.
Kormeerka wasiirka arrinaha gudaha iyo amniga Qaranka C/kariim Xuseen Guuleed uu ku tagay xaafado ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir ayaa Ujeedadiisu aheyd u kuurgelida sida ay ciidamada ammaanku uga howlgalaan Xaafadaha kala duwan ee degmooyinka gobolka Banaadir.
Wasiirka oo ay kormeerkiisa ku wehliyeen taliyayaasha ciidamada Boolliska iyo Nabadsugida ayaa waxa ay ku soo wareegeen xaafado ka mid ah degmooyinka Deyniile, Yaaqshiid, iyo C/casiis, iyadoo wasiirku si gaar ah kormeerkiisa ugu Dheeraaday xaafado ka mid ah degmada Deyniile, kuwaas oo la rumeysan yahay In ay ku dhuumaaleysanayaan maleeshiyaadka Shabaab.
Taliyaha ciidamada Booliiska Shariif Sheekhuna Maye ayaa Radio Muqdisho u Sheegay in ciidamo isugu jira Booliis iyo Nabadsugid la geeyay deegaanka loo Yaqaano Tiida oo ka tirsan degmada Deyniile.
Khaliif Axmed Ereg taliyaha ciidamada Nabadsugida ee G/Banaadir oo hadlay ayaa Sheegay in ciidamadu ay howlgal iyo rondo joogta ah ka sameyndoonaan Xaafadaha degmada Deyniile.
Daafeet.Com