Lafaha Dadkaaga Jaranjaro Loogama Dhigto Siyaasada By: Eng. Salah

0
266

baidoaUmmada degan gobolada konfureed waxey soo mareen dulmiga aan hadleheen: Gumeysi Shisheye iyo kuwii dawladihii qabiilka ku dhisanaa waxeyna soo mareen dagaal sokeeyo oo loogu tala galey in lagu cirib tiro.

Waqtigii dagaalka sookeyey jirey macawinada Ummada Somaliya loogu tala galey waxey ka soo dagi jirey dekada Mogadiscio waxaa gacanta loo galin jirey Mudanayaasha dagaalka: 50% waxaa Qadan jirey Cali Mahdi , 50 % qadan jirey Ceydiid. Islamakana Gododkii Bakaarta Digil ii Mirifle ay Faaganayeen Gen.Morgan iyo Ciidankiisa , taaso ula jeeda ka danbeyseyna ay eheyd in la cirib tiro Digil iyo mifle. Ila magalooyinka iyo tuulooyinka Qowmiyadaas loo bixiyey(Goobihi dhimashada).

Dhibataas waxaa sabab ahaa shakhsiyaadka Digil iyo mirifle si ay u helaan Darajo raqiis ah waxey noqdeen dilaaliin ku gorgortamay dhiiga iyo deegaanka Ummadoda , waxey deegaankooda ka dhigteen goob lagu ciyaaro dhoollatusyada degaal, taas ayaa keentey in ay dhimato ku dhow hal malyuun dad oo Shacabka Digil iyo mirifle ah.

Dhaqanka Digil iyo mirifle waa mid ku dhisan nabad ku wada noolaansho,waxey ku nool yihiin dhulka ugu hodansan soomaaliya dhinaca tacbashda beeraha , xoolaha nool, iyo kheraadka Bedda, misna waxaan nahey kuwa ugu faqiirsan ee dadkoodu ka muuqdaan meelaha ugu fool xun.

Dhibkaan heesto Ummadeena maanta waxaa masuul ah Sayaasiyiinta Digil iyo Mirifle iyo Aqoonyahanooda oo ka dhigteen dadkooda kuwo lagu Qammaaro si ay u helaan darajo iyo lacag oo meel ku ek. Waxaa naxdin weyn igu ah shaqsiyaadkaas oo weli ka wada deegaanka Digil iyo mirifle Qoob ka ciyaar siyaasadeed ee raqiis ah.

Aqoonyahanada iyo Waxgaradka waxaan ugu digeynaa shaqsiyaadkaas sababay fool xumada weyn ee soo gaartey Ummadeena wali faraha kula jiro in ay kala Qeybinta Shacabka, markey wayeen damacooda siyaasadeed oo halqabsi u ah:(Darajo ama Lacag, haddi kale, Dhiig baan daadinaya ama Dilal baan noqonyaa.). Waxeyna doonyaan in gumaadka tartiibta (slow genocide) ah ee umadan lagu hayo sii socoto, shacabkaaso markasta oo Dunida laga fiirsado ayagoo dhamaanaayo, xilligaas Siyaasiyiinta iyo Qowleysatada kaleba Ubadkoodu ay jiraan dibadda ayna ku noolaayeen nolo casiis ah. Ayagoo doonaaya inay Jaran jaro ka dhigtaan lafaha Ummadooda : waxaan ku leenahey kuwaas:(( lafaha dadkaaga jaranjaro loogma dhigto siyaasada)).

Waxaa jira CADOW ka xun kan raba inuu dhulka la wareejo, kan ina xasuuqey, iyo kan inagu soo maqan. Cadowgaas waxaa kan DMka ah markey waayaan (Darajo, lacag ama Dilaalnimo )waxey Leeyihiin Qabiilkeyga Xaqiisa lama siinin Dhiig baan daaddinyaaa, maka fikiraayo dumarka DM oo lagu kufsanaayo Xamar gudihisa sharaftooda iyo karoomadooda lagu bahdilaayo.,

Shaqsiyaadka caqabadaha ku ah in DM in xoroobaan , wadaana dacaayado lidi ku ah odayaasha iyo gudigaba, iyo kuwa raba iney DM kala dhantaalaan, kuwa raba in DM weli second class citizen ahaadaan, kuwa raba in halgankii RRA-da ee umada ka wada dhaxeysey beel ahaan isu lahaysiiyaan,

Markey Taariikhdu tahay 24ta Nofember 2012, Odey dhaqameedyada Digil Mirifle waxay magacaabeen guddi farsamo oo soo diyaariya nidaamka iyo qaab dhismeedka Maamul Goboleed ku meel gaar ah(KMG). Gudiga iyo Odayaasha waxey ku guuleesten in aqoonsi ka helaan  Beesha Calaamka iyo iwm.

Taariikhdu markey aheyd 17/December/2012 waxaa Baydhaba ka degey odayaal dhaqameedka DM, si ey uga qeyb galaan wadatashiga MAAMUL SAMEEYNTA KOONFURTA SOMALIYA.Gudiga Intiisa kalena Usbuucan Gudihiisa ayey Baydhaba gaarayaa.

Waxaan dooneynaa Ummadena in aan habeeyno, nidaamino, isku kuna xiro, baraarujiyo, sharaftoodana soo celino, midnimadooda Illalino, adkeeyno, difaacaan dhulkooda, si ujeedooyinkaas ay u hirgalaan , waxaa laga marmaan ah in la sameeyo, Nidaam oo ah maamuulgobooleed ;Taaso ah, tani kaliya ee looga sama bixin karo Kufsiga, boobka, sharaf darida Ummadeena lagu haayo.

Intiiba Islaam ah fahameyso Diinta Islaama oona Muslim ah aminsan Qadiyad leh ,darensan dhibka ummadena soo martey, kan hadeer ay ku jirto iyo kan so socdba, haku kaalmiyaan Qowmiyadaan sidii nidam ay ku sameysan lahaayeen si karamadooda iyo Sharaftooda u soo noqoto.

Kuwa kale Walaalheena ah , oo Darajo iyo Lacag radis ah, Qabiil iyo Jahli waheshadey  ,Laciiftinimada ay wehel u noqotey doonayana in uu ka dhigto:Jaran jaro lafaha , Curuura, haweynka iyo Odayaasha ee Digil iyo Mirifle, sey u gaaraan; ujeedooyinka ayaga ay leeyihiin, waxaan Ilaahey ugu baryeyna in uu soo hanuuniyo.: Qofba mirihii uu Abuurtey ayuu Guranaayo.

Sahal Moalim Cise said, “Damber malee ,Soka dubunoytaa ,DIIDEE

Waxaa laga hadlaayo Waa mustaqbalka cururteena iyo dhulkii Awoowyaalkeena aan ka dhaxalney oo farah ka baxaya. Qofkii damiir lahow dhismaha mamulkaan gacan ka geyso.

 

Ing Salax Shekh Osman

Wabilaahi Altowfiiq, Wasalaam

Note:- Qoraalkan Masuul Kama Aha wesidka Daafeet.Com Wixii comments kasoo baxana masuul kama noqon doono websidka daafeet.com