Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka oo Baaq u direy dhalinyarada la shaqeysa Alshabab

0
155

DiiniTaliyaha ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed Generaal C/qaadir Sheekh Cali Diini oo la hadlay warbaahinta ayaa wuxuu sheegay in dhalinyarada Shabaab ku jira ay wanaagsan tahay inay kusoo biiraan dhanka dowlada Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in Dowladda ay cafis ufidisay dhalinyarada Shabaab ayna wanaagsan tahay inay ka qeyb qaataan dib udhiska dalka iyo horumarintiisa.

Taliyaha ayaa sheegay in dhalinyarada iminka dagaalka wada ay dib uga shanlayn doonaan waqti un markii dalka uu gaaro horumar ballaaran aqoon la’aanta haysata iminka,isaga oo dardaaran ugu jeediyay dhalintaasi inay joojiyaan dagaalka.

Si kastaba arintu ha ahaatee baqqan ayaa wuxuu kusoo beegmaya xili ey maalinba maalinta ka dambeysa laga dareemayo dalka gudihiisa nabad gelyo ka duwan tii hore loona baahan yahay in lasii xoojiyo.

Daafeet.Com