Wasiirka Arimaha Gudaha oo sheegey in loo bahan yahay in la sugo amaanka goobaha laga wareego Alshabab

0
37

w gudahaWasiirka Wasaarada arimaha gudaha iyo ammaanka qaranka Xukuumadda Soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed oo la hadlay warbaahinta ayaa wuxuu sheegay in ciidamada Dowladda Soomaaliya looga baahan yahay dardar gelinta howlgalada dalka ka socda.

C/kariin Xuseen Guuleed wasiirka arimaha gudaha iyo ammaanka qaranka ayaa wuxuu sheegay in goobaha Shabaab ciidanka Dowladda ay kala wareegaan laga sameeyo howlgalo joogto ah oo ammaanka lagu xaqiijinayo si looga hortago falalka lidiga ku ah dhanka ammaanka.

Sidoo kale wuxuu sheegay in ciidamada xooga dalka Soomaaliya aysan ka daalin dagaalka ay kula jiraan Ururka Al-Shabaab islamarkaana wuxuu ugu baaqay saraakiisha ciidanka dowladda sii wadista dagaalka Shabaab.

Hadalkaan ayaa wuxuu wasiirka arimaha gudaha Xukuumadda Soomaaliya uu ka jeediyay isaga oo shalay booqasho ku tagay deegaan Shabaab ay kasoo abaabuli jireen dagaalada ay kusoo qaadaan Magaalada Muqdisho.

Daafeet.Com