Wasiirka Wasaarada Howlaha guud oo sheegey in dowlada Jabuuti ey ugu deeqdey Qalab Casri ah

0
127

muxWasiirka Wasaarada Howlaha guud, gaadiidka, badda iyo dakadaha Muxyadiin Maxamed Kaalmooy oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in qalab casri ah oo loogu tala galay dakadaha waaweyn ay dowladda Jabuuti ugu deeqaday Soomaaliya taasi oo qeyb ka ah gacan siinta Jabuuti ee Soomaaliya.

Muxyadiin Maxamed Kaalmooy ayaa sheegay in qalabkan ay aad ugu baahi qabtay dakada Magaalada Muqdisho waxana uu tilmaamay in qalabka Jabuuti ay ku deeqday ay ka mid yihiin qalabka lagu soo jiido maraakiibta marka ay soo xiranayaa iyo kuwo sii jiida marka uu baxayo iyo qalabyo kale.

Wasiirka ayaa carabka ku dhuftay in Jimcaha soo socda isaga iyo wafdi uu hogaaminayo oo uu ka mid yahay maareeyaha dakada ay u kicitimi doonaan dalka Jabuuti halkaasi oo ay kaga soo gudoomi doonaan dowladda jabuuti qalabka ay ugu deeqday dakada Magaalada Muqdisho.

Mr. Kaalmooy ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Jabuuti ay siminaaraad tababar ah u furi doonto qaar ka mid ah shaqaalaha dakada si ay awood ugu yeeshaan in ay ku shaqeeyaan qalabka casriga ah ee ay Jabuuti ugu deeqday dakada Muqdisho.

 

Daafeet.Com