Hogaamiyaha Ururka Raaskamboni oo kusoo laabtey Magalada Kismaanyo

0
49

axmed madobeHoggaamiyaha ururka Raaskaambooni Axmed Madoobe ayaa dib ugu soo laabtey magaalada kismaanyo isagoo beryahan ku maqnaa dalka kenya halkaas oo uu shirar kala duwan kula yeelanayey masuuliyiinta dalka kenya iyo qaar ka mid ah siyaasiyiinta somaliyeed.

Waxaa garoonka kusoo dhaweeyey guddoomiye ku xigeenka maamulka degmada Yaasiin Nuur Gaas (Yaasiir Raadeer) iyo madax kale oo ka tirsan maamulka degmada, waxaa kaloo garoonka uga hortagay saraakiisha ciidamada Kenya.

Wuxuu maalmihii ugu dambeeyey oo uu ku sugnaa Nairobi Kornaylku wadahadallo hoose la yeeshay xildhibaan ka tisan dowladda Soomaaliya Shariif Xassan Sh. Aadan, waxay ka wada hadleen sidii maamul loogu samayn lahaa gobollada Bay, Bakool, Gedo, Jubbada Dhexe iyo Jubbada Hoose.

Inkastoo wadahadalka labada mas’uul laga qariyay saxaafadda haddana waxaa ku weheliyay wadahadalka saraakiil iyo xildhibaanno ka tirsan dowladda Kenya oo Soomaali ah.

Axmed Madoobe wuxuu intuusan imaan Nairobi kasoo duulay Adis-Ababa halkaasoo uu kula soo shiray madax ka tirsan dowladda Ethiopia, waxay isaga iyo madaxddii uu la shiray kawada hadleen maamul u samaynta gobollada Jubbooyinka, laakiin warar madax bannaan ayaa tilmaamay inay isku af-garan waayeen wadahadalkaas.

 

 

Daafeet.Com