Xukuumada dalka somaliya oo ku howlan sidii loo soo celin lahaa dhaqaalaha ku xaniban dalka dibadiisa

0
54

somaliDowladda federaalka Soomaaliya ayaa billowday qorshe dib loogu soo celinayo lacago malaayiin dollar gaarayo, guryo iyo gaadiid ay Soomaaliya leedahay oo ku xaniban dalal dibadda ah.

Wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya Fowziya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa socdaal ku mareyso dhowr dal si gacanta dowladda loogu soo celiyo lacago ku xaniban bankiyo dibadda ah, guryo, safaarado, diyaarado iyo maraakiib.

Sida laga soo xigtay shabakadda Sabahi, Fowziya oo hadda booqasho ku joogta dalka Britain ayaa la filayaa inay tagto waddamada Talyaaniga iyo Isu tagga Imaaraadka Carabta.

Waxay sheegtay in dowladda Soomaaliya ay ka dalban doonto in lagu soo wareejiyo lacago ay dowladda Switzerland ka heyso, maraakiib iyo diyaarado ay hayaan dalalka Jarmalka, Talyaaniga iyo Yemen, iyadoo intaas ku dartay in soo celinta hantidan ay kala kaashan doonaan la-taliyeyaal xagga sharciga ah.

Wasiirka maaliyadda Soomaaliya Maxamuud Xasan Saleebaan ayaa isna ugu baaqay beesha caalamka in ay kala shaqeyso dowladda sidii ay hantidaas dib ugu heli laheyd.

Daafeet.Com