Ciidamada Raskambooni iyo kuwa alshabab oo xaley ku dagaalamay magalada Kismaanyo

0
69

dagalDagaal u dhexeeya ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwa Raaskaambooni iyo Militariga Kenya ee qeybta ka ah AMISOM oo isku dhinac ah iyo xoogagga xarakada Al-shabaab ayaa xalay ka dhacay duleedka magaalada Kismaayo.

Dagaalkan ayaa yimid kadib markii dagaalyahanno katirsan Al-shabaab ay weerar gaadmo ah kusoo qaadeen saldhig ay ciidamada huwanta ah ku leeyihiin xarunta Jaamacadda Kismaayo oo dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Kismaayo.

Dagaalkan oo ahaa mid xooggan islamarkaasina rasaasta ay labada dhinac isweeydaarsanayaan laga maqlayay gudaha magaalada Kismaayo ayaa waxa uu socday in ka badan saacad, waxaana lagu soo waramayaa in uu sababay dhimashada afar qof oo dhinacyadii dagaalamayay ah.

Xoogagga Al-shabaab ayaa aalaaba weerarro gaadmo ah ka fuliya saldhigyada ciidamada huwanta ah ay ku leeyihiin gudaha iyo daafaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose.

 

Daafeet.Com