Ciidamada dowladda Soomaaliya oo gacan ka helaya kuwa AMISOM ayaa saakay howgallo ballaaran ka billaabay xaafadaha kala duwan ee degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada dhexe.
Baaritaannadan ayaa la sheegay in ciidamadu ay ku raadinayaan xubno ay sheegeen inay ka tirsan yihiin Al-shabaab oo degmadaas ku sugan, sidoo kalena saraakiil u hadlay dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in howgalkan lagu sugayo ammaank degmadaas.
Goobjoogayaal ku sugan degmada ayaa sheegay in baaritaankan uu yahay midkii ugu ballaarnaa ee degmadaas ay ka sameeyeen ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Afrika tan iyo markii ay la wareegeen bishii hore.
Saraakiisha hay’adaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa sheeegay in ay ku raadinayaan hub iyo xubno Al-shabaab ka tirsan oo si dhuumaaleysi ah ku jooga degmada, iyadoo Al-shabaab ay horay u sheegtay inay weerarro la beegsan doonto degmadaas.
Daafeet.Com