Kooxo hubaysan oo aan la garaneyn ayaa xaley weerartay hotel uu ku sugnaa wasiirka amniga Puntland Khaliif Ciise Mudan.
Kooxda oo ku hubaysneyd qoryaha daran-dooriga u dhaca ayaa rasaas badan ku furtay hoteelka Panorama ee magaalada Boosaaso, halkaasoo uu ku sugnaa wasiirka iyo saraakiil ciidan.
Ilaalada wasiirka ayaa iyaguna rasaas xooggan ku jawaabay, mana cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay is-rasaaseynta.
Lama oga cid ay ka tirsanaayeen kooxaha weerarka ku qaaday wasiirrka, laakiin waxaa xusid mudan in maalmihii ugu danbeeyayba wasiirrku uu ka hadllayay kooxo sida uu sheegay falal amaan darro ka wada deegaannada Puntland.
Daafeet.Com