Afhayeenka Alshabab Cali Dheere ayaa sheegey in ey la wareegi donan Puntland kuna dhaqi doonan shareecada Islaamka

0
42

cali dhereAfhayeenka Shabaab ayaa wuxuu sheegay in dagaalka ka dhacay Boosaaso meel u dhaw dhibaatooyin ay ugu geesteen ciidamada Puntland sida uu sheegay.

Isaga oo hadalka sii wata Afhayeenka Ururka Al-Shabaab Cali Maxamuud Raage Cali Dheere ayaa wuxuu sheegay in dhawaan ay qabsan doonaan deeganada Puntland sidoo kalena laga dejin doono calanka Puntland calanka raayada towxiidkana laga taagi doono.

Wuxuu sheegay in shacabka reer Puntland ay ku farxaan inay soo dhawaatay sida uu sheegay ku dhaqanka shareecada islaamka.

Al-Shabaab ayaa ku sugan deeganada Gobalka Bari ee Puntland halkaasi oo ay ka dagaalamaan ciidamadooda.

Daafeet.Com