Alshabab iyo ciidamada dowlada oo siyaabo kala duwan uga hadley dagaalkii ka dhacay Gedo

0
55

alshabaDowladda Soomaaliya iyo Al-shabaab ayaa guulo ka kala sheegtay dagalo shalay gallinkii dambe ku dhexmaray deegaanno u dhexeeya degmada Luuq iyo Garbahaarey ee gobolka Gedo.

Guddoomiyaha gobolka Gedo, Maxamed Cabdi Kaliil ayaa sheegay inay ku dileen dagaalkaas dagaalyahanno badan oo Al-shabaab ka tirsan iyagana uu kasoo gaaray khasaare dhimasho iyo mid dhaawac.

Xarakada Al-shabaab ayaa iyaduna sheegatay inay dagaalkii shalay ku dileen 10-askari oo Soomaali ayna gacanta ku dhigeen laba askari, balse ma sheegin askartan inay Soomaali ahaayeen iyo inay Itoobiyaan yihiin, iyagoo intaas ku daray inay gubeen saddex gaari oo way wateen ciidamada Itoobiya.

Xaaladda deegaannadii lagu dagaalamay ayaa deggen, iyadoo dadka ku sugan degmooyinka Luuq iyo Garbahaarey ay sheegayaan inay socdaan dhaqdhaqaaqyo ciidan.

Daafeet.Com