Dhaqdhaqaaq Milateri oo laga dareemayo deegaano ka tirsan Gobolka Gedo

0
46

dagalDhaqdhaqaaq ciidan ayaa laga dareemayaa in ey ka jiraan deegaanada hoostaga gobolka gedo halkaas oo ey isku urursanayaan ciidamada dowlada iyo kuwa itoobiyaanka oo donaya in ay alshabab gobolkaasi ka saaraan.

Deegaanada laga dareemayo dhaqdhaqaaqa ayaa waxaa ka mid ah Maykaarebe iyo Macow oo ka tirsan gobolka gedo waxaana la sheegayaa in halkaasi ey soo gaareen ciidamo fara badan iskaashanaya.

Dadka ku dhaqan deegaanka ayaa sheegey in deegaanadan lagu arkayo gaadiidka dagaalka oo aad u badan oo ey wataan ciidamada dowlada iyo kuwa itoobiyaanka waxaana mar walba laga cabsi qabaa in uu dagaal halkaasi ka bilowdo.

Si kastaba arintu ha ahaatee deegaanada gobolka gedo ayaa beryahan waxaa ka jira dagaalo ka dhan ah sidii alshabab looga sifeyn lahaa deegaanka kaasoo u baahan in la geliyo waqti badan iyo ciidamao badan si loo gaaro hadafkaa asaga ah.

 

Daafeet.Com