kulan xasaasi ah oo ey shaley yeesheen Afgoi Action Council ayaa waxa la isku soo qaadey qodobo dhowr ah oo ey ka mid yihiin xaalada guud ee degmada afgoye gaar ahaan dhinaca nabadgelyada taasoo ey ku booriyeen in degmada loo sameeyo ciidan boliis ayada u gaar ah maadaama uu dastuurku dheegayao in degmo walba iyo gobol walbaa ey ka tashato ayaaheeda.
Waxaa kaloo ey carabka ku dhufteen in maamulka degmada Afgooye looga baahan yahay in maadaama in mudo ahba ey degmada ku jirto gacanta dowlada in laga dareemo magalada isbedelo, Laakiin hadan magalada wax isbedel ah laga arkeyn micnaheedu waa duul duul kale kala wareegey magaalada oo aan dadka wax u ogoleyn.
Waxaa ey baaq toos ah u soo jeedanayaan Mamulka Afgoi Action Council, Maamulka Degmada Afgooye sida aad aragtaan ama aad la socotaan dhamaan degmooyinka ay la wareegtey Dowlada waxaa ka socda horumarin iyo dayactir iyo in shacabka wax loo qabto marka waxaan idinkugu boorineynaa in aad u istaagtaan wax u qabadka bulshaweynta reer Afooye ama ha noqoto dhinaca Caafimaada,Waxbarashada iyo dhinaca Nabad gelyada.
Waxaa kaloo ay baaq kaas la mid ah u dirayaan jaaliyadaha dibada ku nool ee u dhashey degmadaa afgooye in ey wax u taraan dadkooda eyna ku caawiyaan wax walba oo ey awoodaan iyo in maalgeliyaan deegaankooda ha noqoto dhinaca Beeraha ama Ganacsigaba ma aha in aad kor ka firisanaan maadama deegaanka uu u baahan yahay waxqabad.
Daafeet.Com