Afhayeenka AMISOM, Col. Cali Aadan Xumud ayaa sheegay iney si fiican u socdaan howlgalka lagu adkaynayo amniga magaalada Muqdisho, isagoo intaas ku daray in howgallada lagu sugayo ammaanka ay si wadajir ah u fulinayaan habeen iyo maalin booliiska dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.
Col. Xumad Kornayl Cali Aadan Xumud ayaa xusay in shacabka Soomaaliyeed ee ku nool caasimadda ay si wanaagsan u soo dhaweeyeen howgallada ayna shacabku dareemeen jawi nabadeed, isagoo shacabka ugu baaqay inay ciidamada gacan ku siiyaan sidii lagu heli lahaa kuwa ammaan-darrada wada.
Afhayeenku wuxuu hoosta ka xariiqay in ciidamada booliiska ah ee isku-dhafan ay naftooda u hurayaan sidii ay ku xaqiijin lahaayeen ammaanka guud ee Muqdisho si shacabku ay u helaan ammaan buuxa oo ay isku halleyn karaan.
Sidoo kale, afhayeenku wuxuu ugu baaqay qurbo-joogta Soomaaliyeed inay dib ugu soo laabtaan dalkooda tasoo aysan jirin meel ay dunida ku dooran karaan ayna ka qayb-qaataan dhismaha iyo nabadeynta dalkooda.
Daafeet.Com