Maamulka Ahlu Sunna ee gobolka Galgaduud ayaa soo dhaweeyey qorshe la doonayo in lagu mideeyo maamullada ka jira gobollada dhexe ee Soomaaliya.
Guddoomiyaha saddexda gole ee Ahlu Sunna Sheekh Ibraahim Sheekh Xasan Guureeye ayaa sheegay in ay taageerayaan dedaal kasta oo ay ku midoobayaan dhammaan maamullada ka jira gobollada bartamaha, taasoo uu ku sifeeyey isku imaatin wax ku ool ah.
Guureeye oo hadda ugu sugan Gaalkacyo ka qaybgalka shir mideynta maamullada looga hadlayo ayaa sheegay in wax badan ku soo kordhin karto haddii maamullada midoobaan.
Daafeet.Com