Wasiirka Arrimaha Dibadda Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa xalay gaartay magaalada Rome ee caasimada dalka Talyaaniga kadib markii ay ka ambabaxday dalka Ingiriiska oo ay ku sugneyd maalmihii la soo dhaafay.
Fowsiyo Yuusuf Xaaji waxaa magaalada Rome xalay ku soo dhoweeyay danjiraha Soomaaliya ee Talyaaniga Nuur Xasan Xuseen “Nuur Cadde”, diblomaasiyiinta safaaradda iyo qaar ka mid ah jaaliyadda Soomaalida ee Talyaaniga.
Wararka ayaa sheegaya in wasiirka xalay ay bilawday kulamo ay la qaadatay danjire Nuur Cadde, diblomaasiyiinta iyo shaqaalaha safaaradda ayna kala hadashay socdaal rasmi ah oo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku tagi doonaan dalka Talyaaniga, socdaalkaasoo ay iyada u sii gogol xaareyso.
Fowsiya Yuusuf ayaa sidoo kale waxaa lagu wadaa inay maanta la kulanto mas’uuliyiin ka tirsan dawlada Talyaaniga oo ay ka mid yihiin wasaaradda arrimaha dibada.
Daafeet.Com