Shir Balaaran oo Loogu Gogol Xaarayo Dhisida Dowlad Goboleed oo Maanta ka Dhacay Baydhabo (Sawirro)

0
101

8Waxaa maanta shirweyne ay ka soo qeyngaleen Mas’uuliyiin, Aqoonyahano, Siyaasiyiin, Saraakiil, Odayaal, Culumaa’udiin, Dhalinyaro iyo Haween ka dhacay Magaalada Baydhabo Janaay.

Shirkaan oo ahaa mid si weyn la isugu soo dabariday ayaa waxa diirada lagu saaray sidii magaalada Baydhabo loogu qaban lahaa Shirweyne looga tashanayo Dhisida Dowlad Goboleed ay yeeshaan Lixda Gobol ee kala ah Baay, Gedo, Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose, Shabeelaha Hoose iyo Bakool.

Waxaa shirka lagu furay aayado Qur’aanka kariimka ah, waxaana shirkaa ka aqriyay warbixin ku saabsan xaaladaha ammaanka Taliyaha Guud ee Ciidamada Gobolka Baay Korneel Mahad C/raxmaan.

Waxaa sidoo kale shirka ka hadlay Gudoomiyaha Gobolka Baay Mudane C/fitaax Max’ed Ibraahim Geesey oo amaanay Sida sharafta leh ee loo soo agaasimay Kulanka maanta wuxuuna sheegay in ay garab taaganyihiin Gudiga Farsamada Dhisida Dowlad Goboleedka, balse loo baahanyahay sidii loo xurayn lahaa deeganada weli Cadowga gacanta Kuhaaya waa sida uu yiri Gudomiyaha Gobolka Baay, waxa kaloo uu tilmaamay in uu balanqaadayo Sugida Amaanka Gobolka gaar ahaan kan magaalda Baydhabo.

Waxaa isna hadalay Gudoomiyaha degmada Baydhabo Mudane Xasan Biikole wuxuuna ku nuux nuuxsaday in ay garabtaaganyihiin Gudiga Farsamda.

Shirkaan ayaa waxaa kaloo warbixinno kala duwan looga dhagaystay Mas’uuliyiin  ka tirsan Guddiga Farsamada ee Maamul usameynta Goboladaan oo uu Guddoomiye u yahay Mudane Madoobe Nuunow Maxamed, Maxamed Aadan Ibraahim (Fargeeto), Cabdulaahi Shaleeytey iyo Cabdi Aadam Hoosow.

Sidoo kale waxaa goobta Shirka ka hadashay Gudoomiyaha ururka haweenka Mrs Xaawo Sokor Cali oo ayaduna ay sheegtay in ay lagarabtaaganyihiin  Hiil iyo hoo intuba hadii ay yihiin haweenka Gobolada Koonfurta Soomaaliya.

Gabagabadii Shirkaan ayaa waxaa la isla gartay in sida ugu dhaqsiyaha badan Magaalada Baydhabo loogu Fidiyo Gogol la isugu yeerayo dhamaan Beelaha wada dega Lixda Gobol ee Koonfurta Soomaaliya si looga wada tashado dhisidda Dowlad Goboleed loo Sameeyo Goboladaan.

Fillo Goordhow Sawirrada.

Wariye Maxamed Cade

Daafeet.com

Baydhabo Janaay

bay9

bay\

bay2

bay5

bay6

bay8

bay7

bay10