Afhayeenka ciidamada AMISOM Korneyl Cali Aadan Xumad oo maanta warbaahinta Shirjaraa’id ugu qabtay xarunta Xalane ee Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in ruux waliba oo Shabaab oo isa soo dhiiba ammaankooda ay balan qaadayaan.
Wuxuu ugu baaqay caalamka inay gargaar lasoo gaaraan AMISOM si ay ugu kaabaan Dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale ammaanka Magaalada Muqdisho.
Afhayeenka AMISOM ayaa sidoo kale wuxuu faah-faahin ka bixiyay waxyaabihii AMISOM u qabsoomay sanadkii hore isaga oo sheegay in AMISOM tartiib ay Muqdisho isugu ballaarisay oo Shabaab ay uga saareen.
Wuxuu sheegay in AMISOM ay isu qeybiyeen afar qeybood ayna wadeen howlgalka ka dhanka ah Shabaab,isaga oo sheegay in sanadkii lasoo dhaafay ciidamada AMISOM kusoo biireen ciidanka Kenya iyo sidoo kale kuwa Jabuuti.
Daafeet.Com