Dowlada Fransiska oo lacag ugu deeqdey hey'ada IOM

0
47

france_flagHay’adda caalamiga ah ee muhaajiriinta adduunka (IOM) ayaa shaacisay inay ka heshay lacag dhan €1 million dowladda Faransiiska, taas oo wax looga qabanayo dhibka haysta dadka ku barakacay gudaha Soomaaliya iyo dadka reer guuraaga ah.

War qoraal ah oo ka soo baxay hay’adda ayaa lagu sheegay in lacagta loo isticmaali doono mashruuc hal sano qaadan doona oo billaaban doona January 2013.

Hay’adda waxay sheegtay in deeqda wax loogu qabanayo nolosha kumannaan kun oo reer guuraa ah iyo in dowladda Soomaaliya laga caawiyo inay awood u yeelato taageeridda dadka tabaaleysan.

Cali Cabdi oo ah madaxa IOM ee Soomaaliya ayaa uga mahad-celiyay dowladda Faransiiska deeqda ay u fidisay hay’adda, isagoo sheegay in xarumo caafimaad laga furi doono soohdinta ay Soomaaliya la wadaagto Kenya iyo Itoobiya.

Daafeet.Com