Wasiirka wasaaradda howlaha guud ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Muxiyaddiin Maxamed Kaalmoy wuxuu shalay xafiiskiisa ku yaalla magaalada Muqdisho kula kulmay safiirka dowladda Sudan u qaabilsan Soomaaliya.
Waxay kulankooda uga wada hadleen cilaaqaadka labada dal ee Soomaaliya iyo Sudan iyo sidii loo adkayn lahaa iskaashiga ka dhaxeeya labada dal.
Kaalmoy ayaa kulanka kaddib la hadlay saxaafadda, wuxuuna sheegay in booqashada safiirka uu ku yimid caasimadda ay daba joogto tii dhowaan madaxweynaha Soomaaliya iyo xubno ka tirsan xukuumadda ay ku tageen dalka Sudan.
Safiirka oo lagu magacaabo Cabdulmuncin Taysiir oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay inuu wasiirka soo gaarsiiyay martiqaad ay u fidisay dowladda Sudan.
Daafeet.Com