Boliska dalka Ugandha oo baadi goobaya 5 ruux oo ka tirsan alshabab oo raba iney qaraxyo ka geysatan ugandha

0
107

 

ugandaUganda ayaa sheegtay inay baadi goob ugu jirto 10 ruux oo ay sheegeen inay yihiin argagixiso, kuwaasi oo shan ka mid ah ay sheegtay inay aaminsan yihiin todobaadkan inay si qarsoodi ah ku galeen dalkaasi Uganda.

Ku xigeenka afhayeenka booliska dalkaasi Vincent Sekate ayaa sheegay inay dadka ay doonayaan ay kala yihiin Ali Salax Adan, Nam Amur, Abdullah Ahmed, Abderaouf iyo Mohaned Nor Ali, oo ay ku sheegeen inay dagaalyahano ajaaniib ah oo xiriir la leh ururka Al-Shabaab.

Dowlada Uganda ayaa shantaan ruux ku eedeysay inay ka dambeeyeen qaraxyadii ka dhacay magaalada Kampala sanadkii 2010 kaasi oo ka dhacay goob ciyaaro lagu daawanayhay oo ay ku dhinteen 72 ruux.

Wuxuu sheegay dadkaasi inay baadi goob ugu jiraan, islamarkaana ay kaga shakisan yihiin inay ku dhuumaaleysananaan meel ka mid ah dalkaasi Uganda, sida uu hadalka u dhigay.

Daafeet.Com