Digreeto kasoo baxdey xafiiska Reysulwasaraha oo uu isbedel ugu sameynayo qaar ka mid wasaaradaha

0
57

sacidDigreeto ka soo baxday xafiiska ra’iisal wasaaraha ayaa lagu sheegay in markii uu wada-tashi buuxa la sameeyey dhinacyo badan oo xog-ogaal u ah farsamada maamulka dowladda, tixgeliyey qodobada 97, 99, 100 ee Dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliyeed uu isbeddel ku sameeyay hab-dhismeedka wasaaradaha qaar.

Waxayna kale yihiin wasaaradaha iyo sida qaab-dhismeedkooda la isugu beddelay:

a) Wasaaradda Arimaha Dibadda waxaa hadda kadib ay noqon doontaa Wasaaradda Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, waxaana la raaciyay howlihii iskaashiga Caalamiga ah.

b) Wasaaradda Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta, waxaa hadda kadib ay noqon doontaa Wasaaraadda Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Gaadiidka.

c) Wasaaradda Howlaha Guud, Gaadiidka iy Dekedaha, waxay hadda ka dib ay noqon doontaa Wasaaradda Howlaha Guud, Dekedaha Iyo Gaadiidka Badda, waxaana la raaciyay hawlihii dhalinta iyo qaybihii korontada.

Wareegtada waxaa lagu xusay in dhammaan howlihii la xiriiray Dalxiiska iyo Duurjoogta ay si KMG ah u hoos tagayaan Xafiiska Raiisulwasaaraha.

Daafeet.Com