Qaxootigii ku jirey xerooyinka Dhadhaab oo bilaabey iney dalka dib ugu noqdaan

0
125

dhadhaabBoqolaal qoxooti Soomaaliyeed ah oo ku jiray xeryaha Dhadhaab-Kenya ayaa billaabay inay dib ugu soo laabtaan deegaannadooda kaddib markii ay u adkeysan waayeen dhibaatooyinka ay kooxaha hubeysan ka geystaan Xeryahaas,

C/risaaq Maxamed oo ah wariye Soomaaliyeed oo xeryaha Dhadhaab ku noolaa 21 sano ayaa VOA-da u sheegay in ammaan-darrada ugu daran ay ka jiraan labada Xero ee IFO I iyo IFO 2, kuwaasi uu tilmaamay inay ku nool yihiin qaxooti soomaaliyeed oo hablo u badan.

“Runtii markii aan kormeeray xaalada xerada qaxootiga ee dhadhaab ma ila fiicna,dadka qaxootiga markii aan wareysiyo la yeelanay waxa ay ii sheegeen in xaalada ay tahay mid aan fiicneyn,waxaa jiro Jirdilo,Kufsi iyo boob inta badan lagula kaco Haweenka Soomaaliyeed oo xilayadii habeenka guryaha loogu galo,gaar ahaan xerada Ifo 2,ayuu yiri Wariyahan Soomaaliyeed oo VOA-da la hadlay”.

Suxufigu wuxuu sheegay in inta badna kooxaha burcadda ah ay ka yimaadaan goobaha ku dhow xeryaha qoxootiga, gaar ahaan xilliyada habeenkii ah, iyagoo weerarrada u geystay sidii ay lacag ku heli lahaayeen.

“Xeryaha dhadhaab waxaa ka jira amaandari baahsan,balse wax intaasi ka badan ma jiraan,dhibaatooyinka amaandarida waxay yihiin kuwo sii fidaya,ayuu yiri Wariyaha.

Hay’ada qaxootiga aduunka ee qaramada Midoobay oo gacanta ku haayso xeryaha qaxootiga Dhadhaab,ayaa sheegtay in ilaa iyo haatan aanay sheegi karin goobaha dhabta ah ee weerada laga soo qaado Soomaaliya iyo gudaha Kenya,balse waxay xaqiijiyeen in amaandarida ay tahay mid jirta.

Daafeet.Com