Dagaal culus ayaa xalay saqdii dhexe ku dhexmaray deegaanka Buulo-mareer ee gobolka Shabeellada Hoose ciidammo watay diyaarado kuwa qumaatiga u kaca ah iyo xoogagga Al-shabaab, iyadoo dagaalkaas uu dhaliyay khasaare nafeed oo soo kala gaarta labada dhinac.
Inkastoo aan la ogeyn khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee soo kala gaartay laba dhinac ayaa haddana waxaa deegaankaas lagu arkay saakay maydka askari caddaan oo ah ku dhintay dagaalkii xalay.
Goobjoogaha ayaa hadalkiisa ku daray in xaaladdu ay tahay mid cabsi leh, isagoo xusay in saraakiisha Al-shabaab ay amar ku siiyeen dadku inaysan u dhawaan askariga lagu dilay dagaalkii xalay oo ay ku xiran yihiin qalab kala duwan.
Sarkaal u hadlay Al-shabaab ayaa sheegay in ciidamada soo weeraray ay ahaayeen Faransiiska oo ku daba-jiray sidii ay ku furan lahaayeen sarkaal muddo sannado ah looga haysto gudaha Soomaaliya.
Ma jiro hadal kasoo baxay dhinaca dowladda Faransiiska lamana oga in lala baxay sarkaalkii Faransiiska ahaa ee lagu haystay deegaanka Buulo-mareer ee gobolka Shabeellada Hoose.
Daafeet.Com