Gudomiyaha Gobolka Sh/Hoose oo ka warbixiyey weerarkii xaley ey geysteen ciidanka France

0
49

siidiGudoomiyaha gobollka Shabeelaha Hoose C/qaadir Max’ed Nuur Sidii oo warbaahinta la hadllay ayaa ka warbixiyay howlgal xalay diyaarado dagaal oo Faransiis ah ka fuliyeen Gobolka.

‘’Gobollka waxaa xalay ka dhacay howlgal ay fuliyeen ciidamada Faransiis ay fuliyeen, Buula-mareer ayuu ka dhacay weerarka, xalay saqdii dhexe ayeey aheyd, waxaana uu soo dhamaaday saakay waabarigii hore,’’ C/qaadir Max’ed Sidii.

Mar la weydiiyay sababaha uu howl galkan ku dhacay ayuu sheegay in ciidamada Faransiiska ay daba socdeen nin ajnabi ah oo laga afduubtay Muqdisho, waxaana uu cadeeyay in howl galka uu ku dhacay sidii loogu tala galay.

Mar la weydiiyay in Ciidamada howl galka fuliyay inay ahaayeen Ciidamo Faransiis ah ayuu xaqiijiyay, isagoo xusay in Maamulkiisa uu weerarkaas fududeeyay, isla markaana uu jiray xiriir horay ugu dhaxeeyay arrintan.

Haa waa sax waa ciidan Faransiis, maxaa yeelay Mareykanka iyo Faransiiska NATO waa ka mid yihiin, howl galkan buulo mareer ayuu ka dhacay, gantaalo Karuus ayaa la adeegsaday, meesha ciidan ayaa soo degay, in lagu guuleystay waxaa cad in dhulka cagahooda soo dhigeen ciidamada Kumandoska”ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Dadka ku dhaqan deegaanka Buula-mareeb ayaa sheegay in howlgalku ahaa mid culus, lama oga in ciidamada dowladda Faransiika ku guuleysteen in ay furtaan sarkaalka afduubka lagu heystay.

Daafeet.Com