Alshabab ayaa mar kale ku celisey in uu nool yahay la heystihii Faransiiska gacantoodana uu ku jiro

0
85

alshabaXarakada Al-shabaab ayaa ku adkeysanaysa inay weli gacanta ku hayso la haystihii Farnasiiska ahaa ee u afduubnaa Dennis Allex oo nool, kaddib markii ay ciidamada Faransiiska ee sida gaarka u tababaran ay ku fashilmeen inay xoog ku furtaan.

Warsaxaafadeed ay Al-shabaab soo saartay ayay ku sheegtay in Allex uu ku jiro weli gacantooda, ayna go’aan ka gaari doonaan noloshiisa laba casho, balse dowladda Faransiiska ayaa iyaduna sheegaysa in Dennis lagu dilay howlgalkii ka dhacay deegaanka Buulo-Mareer.

Ilo wareedyo laga helayo Al-shabaab ayaa sheegaya in la-haystaha Faransiiska ah oo ku sugnaa deegaankii habeen hore ay weerareen diyaaradaha dagaalka Faransiiska in loo qaaday dhinaca gobolka Bay halkaasoo ay doonayso Al-shabaab inay si qarsoodi ah ugu hayso.

Ma jiraan warar madaxbannaan oo xaqiijinaya geerida iyo nolosha Dennis Allex oo tan iyo sannadkii 2009 afduub ahaan loogu haystay Soomaaliya, kaddib markii isaga iyo saaxiibkiis oo baxsaday laga watay goor aroor ah hoteelka Saxafi ee magaalada Muqdisho.

Daafeet.Com