Ciidamadii ku sugneyd Gobolka Sh/hoose oo lagu bedeley kuwo cusub

0
49

CiidanWararka ka imaanaya gobollka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in lagu wareejiyay amniga gobollka Shabeellaha hoose ciidamada militari gaaska labaad ee uu hogaaminayo Jen C/llaahi Cismaan Cagey.

Ciidamadii horay u joogay gobollka ayaa halkaa laga soo qaaday, kadib markii sida la sheegay ay ku guul dareysteen wax ka qabashada amniga deegaannada gobollka Shabeellaha hoose oo maalmihii ugu danbeeyay ay ku sii kordhayeen falal isugu jira dil, dhac iyo kufsi.

Durbaba ciidamada gaaska labaad ee uu horkacayo Jen C/llaahi Cagey waxaa ay gobollka ka bilaabeen howlgalo lagu sugayo amniga deegaannada gobollkaas oo lagula dirirayo kooxaha caadeystay in ay dhibaateeyaan dadka shacabka ah.

Maamulka gobollka Shabeellaha hoose ayaa sheegay in ay siweyn u soo dhaweynayaan ciidamada lagu wareejiyay amniga gobollka sida uu warbaahinta u sheegay C/qaadir Max’ed Nuur Sidii oo ah guddoomiyaha gobollka Shabeellaha hoose.

Daafeet.Com