Madaxweeynaha dalka France Francois Hollande ayaa sheegay in dowladiisu ay siweyn u adkeyn doonto ammaanka dalka,kadib howlgallo ay ciidamada France ka fuliyeen dalalka Soomaaliya iyo Mali.
Dowladda France ayaa ciidamadeedu waxa ay howlgallo ballaaran ka wadaan dalka Mali halkaasoo ay kula dagaalamayaan kooxaha islaamiyiinta ah ee kasoo horjeeda dowladda dalkaasi, waxaana sidoo kale cutubyo katirsan ciidamada Kumaandooska dalka France ay dhawaan howlgallo ka fuliyeen deegaanka Buulomareer, kuwaasoo ay ku doonayeen in ay kusoo furteen lahayste u dhashay dalkaasi oo mudo u af-duubnaa Xarakada Al-shabaab.
Madaxweeynaha dalkaasi ayaa ku amray laamaha ammaanka in ay muujiyaan foojignaan dheeri ah, islamarkaasina la sugo ammaanka goobaha ay dadka ku badanyihiin ee ku yaal dalkaasi.
Baaqaan kasoo yeeray madaxweeynaha dalka france ayaa imaanaya xilli ciidamada military dalka France ay howlgallo xooggan ka wadaan dalka Mali, iyadoona lagu soo waramayo in diyaaradaha dagaal ee dowladda France ay weerarro culus ku qaadeen saldhigyo ay kooxaha islamaaiyiinta kasoo horjeeda dowladda Mali ku leeyihiin dalkaasi.
Daafeet.Com