Gudomiyaha Gobolka Banadir oo ka digey in aan anshax xumo lagu sameyn xeebta Liido

0
48

tarsanGuddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdihso Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa uga digay dhallinta Soomaaliyeed ee ka yimid qurbaha inay waxyaabo anshaxa diinta iyo tan dalka ka baxsan ku sameeyaan xeebta Liido.

Mudane Tarsan wuxuu sheegay in dhallinyarada ka yimid qurbaha ay niyada ku hayaan inaysan joogin dalalkii galbeedka ee ay ka yimaadeen balse ay ku sugan yihiin dal Islaam ah oo leh dhaqan wanaagsan iyo anshax suuban.

Sidoo kale, duqa Muqdisho wuxuu amar ku siiyay ciidamada ammaanka ee ku sugan xeebaha Liido inay ka hortagaan cid walba oo anshax xusmo ku sameynaysa halkaas.

Toddobaad walba dabayaaqadiisa ayaa waxaa xeebaha Muqdisho taga dad badan oo isugu jira, dhallinyaro, caruur iyo waayeel rag iyo dumar leh oo ku damaashaada xeebaha Liido iyo Jaziira ee Muqdisho, halkaasoo ah goobaha ay dadka intooda badan ku kulmaan.

Daafeet.Com