Wasiirka gashaandhiga oo ka hadley safarkii uu ku tegey dalka Ugandha

0
63

faqiWasiirka Gaashaandhiga dalka Soomaaliya C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa maanta dalka Kenya wuxuu kula kulmayaa dhigiisa dalkaasi oo ay kawada hadlayaan arimaha Gaashaandhiga.

Wasiirka Gaashaandhiga dalka Soomaaliya ayaa sheegay in dhigiisa dalka kenya uu maanta kala hadlayo arimaha la xiriira Gaashaandhiga labada dal maadaama dalka kenya ciidamo ku shaqeeya magaca AMISOM ay kaga sugan yihiin Soomaaliya.

C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa isaga oo ku sugan dalka Kenya wuxuu sheegay inuu kasoo noqday dalka Uganda halkaasina ay kusoo wada kulmeen masuuliyiinta ugu sareysa dalkaasi.

Wuxuu sheegay inay kasoo wada hadleen arimo dhowr ah oo la xiriira dhanka gaashaandhiga dalka Soomaaliya ayna si wanaagsan isugu soo afgarteen dhamaan amuurihii ay kasoo wada hadleen.

Daafeet.Com