Samaliland iyo Khaatumo oo ku dagaalamey deegaanka Xudun

0
183

dagalCiidamada maamullada Somaliland iyo Khaatumo ayaa ku dagaalamey shalay gellinkii dambe Bariga deegaanka Xudun oo 83-km dhinaca waqooyi ka xiga magaalada Laas-caanood ee xarunta gobolka Sool.

Wararka laga helayo dadka degaanka ayaa waxay sheegayaan inaan laga war-hayn khasaaraha soo kala gaaray labada ciidan, inkastoo mas’uliyiin u kala hadlay labada dhinac ay ka sheegayaan guulo ay ka gaareen dagaalka.

Taliyaha ciidamada Somaliland ayaa warbixin uu soo saaray ku sheegay inay ka qabteen Khaatumo 10-maxbuus, isagoo aan sheegin khasaaraha kasoo gaaray dagaalka, halka mas’uul u hadlay maamulka Khaatumo uu sheegay in dhankooda uu kaga dhaawacmay hal askari, balse ay iyagu maxaabiis ka qabteen Soomaliland.

Dagaaladda maamulladan ayaa ah mid la xiriirra dhinaca siyaasadda iyadoo maamulka Somaliland uu doonayo inuu gacanta ku dhigo deegaankii 60-kii ka hor la oran jiray Somaliland inta aan la gaarin wada xaajoodka ay kula jiraan dowladda Soomaaliya, halka maamulka Khaatumo uu doonayo inaan la kala jarin dhulka Soomaalida.

Daafeet.Com