Amisom oo maanta tababar uga furtey magalada Beledweyn dhalinyaro laga soo ururiyey deegaanka

0
60

baledweyneSaraakiil ka tirsan Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa maanta magaalada Beledweyne tababar ciidan uga furay kun maleeshiyo laga soo ururiyay deegaanka.

Tababarka oo socon doona muddo 45 cishe ayaa ka furmay xerada ciidanka ee Lama-galaay ee magaalada Beledweyne.

Munaasabadda furitaanka tababarka waxaa ka qeyb-galay mas’uuliyiin ay ka mid yihiin guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdifataax Xasan Afrax iyo taliyaha ciidanka AMISOM ee gobolka Hiiraan Kornayl Cismaan Dubbad Sugulle.

Kornayl Cismaan Dubbad ayaa sheegay in ay ka go’an tahay taageeridda iyo dhisidda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, si looga maarmo awoodaha shisheeye ee ay hadda ku tiirsan tahay dowladda Soomaaliya.

Waxaa lagu wadaa in maleeshiyada tababarka loo furay ay ka mid noqdaan ciidanka dowladda Soomaaliya kaddib marka ay dhammeystaan tababarka.

Daafeet.Com