Madaxweynaha Mamul Goboleedka Puntland oo sheegey in dadka ka yimid Konfurta somaliya Qas ka wadaan deegaanka

0
71

faroleMadaxweynaha maamulka Goboleedka Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa ka hadlay ammaanka deeganada maamulka Puntland.

C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole oo shalay dib ugu soo noqday Magaalada Boosaaso ee Gobalka Bari ayaa wuxuu sheegay in shacabka deeganada Gobalka Bari iyo guud ahaanba maamulka Goboleedka Puntland looga baahan yahay inay adkeeyaan ammaanka deeganadaasi.

Faroole ayaa sheegay in maalmahan dambe sida uu tilmaamay deeganada maamulka Puntland ay kusoo badanayeen dad ka yimid deeganada koonfurta Soomaaliya kuwaasi oo falal amnidaro ah ka geysana sida uu sheegay deeganada Puntland.

Isaga oo hadalka sii wata ayaa wuxuu sheegay in sidoo kale loo baahan yahay in laga soo horjeesto mucaaradka ka imaanaya dalalka shisheeeye iyo midka gudaha ku sugan intaba.

Si kastaba arintu ha ahaatee Maddaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland ayaa mar walbaba ku eedeeya dadka kasoo kicitamey colaada ka jirta konfurta somaliya iney yihiin dad u yimid Puntland iney sameeyaan falal amni daro ah, Isagoo og in ey jiraan dad u dhashey deegaanka iney wadaan falalka amdarada ah.

Daafeet.Com