Shir looga hadlaayo Maamul u sameynta Koonfurta Somaliya oo lagu wado inuu ka furmo Magalada Baydhaba

0
47

bayMagaalada Baydhabo ee xarunta Gobalka Baay ayaa waxaa dhawaan ka furmi doona shir looga hadlayo maamul u sameynta Gobalada Koonfurta dalka Soomaaliya.

Ujeedka shirka ayaa waxaa lagu sheegay in looga tashanayo aayaha Gobalada koonfurta dalka Soomaaliya oo la doonayo in loo sameeyo maamul Goboleed uu leeyahay deegaanka.

Wararka ayaa sheegaya inay ku dhawaaqeen in shirka uu furmayo masuuliyiinta Guddiga Farsamada ee loo xilsaartay arimaha maamul u sameynta Gobaladaas.

Inkastoo shirkaan uu furmaya ayaa hadana Magaalada Kismaayo sidoo kale waxaa ka socda shirar la doonayo in maamul logu sameeyo Gobalada Jubbooyinka oo ay horboodayaan saraakiil ka tirsan Raaskaambooni.

Kooxaha Raaskambooni ayaa beryahanba ku howlanaa Maamul u sameynta Jubooyinka balse waxaad moodaa in uu yaraadey xowligii ey howshaasi ku socotey taasoo sabab u ah didsanaan ey didsan yihiin qaar ka mid ah dadka ku dhaqan deegaanka deegaanka.

Daafeet.Com