Madaxweynaha oo sheegey inuu ka hortagi doono 3 shay muhiimada koowaadna siin doono

0
44

xasanMadaxweynaha Dowladda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxmauud ayaa sheegay in dowladdiisu ay ka hortagayso saddex qodob oo aad u fool xun, kuwaasoo uu sheegay inuu ka mid yahay kufsiga haweenka.

Xasan Sheekh ayaa hadalkan ku sheegay khudbad uu shalay ka jeediyay kulan lagu soo dhaweynayay aqoonsigii Mareykanka uu aqoonsatay dowladda federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu sheegay inay ka hortagayaan kufsiga loo geysto haweenka, isagoo sheegay inaysan jirin cid inta kufsi u geysato gabar Soomaaliyeed oo aan wax dhibaato ah u geysan ay haddana meeshay doonto iska marto iyadoo aan sharciga la horgeyn.

Dhanka kale, madaxweynaha Soomaaliya wuxuu sheegay inay dagaal adag la geli doonaan inta ay xukunka hayaan musuqmaasuqa oo uu sheegay inuu yahay mid dhabarka ka jabinaya horumar uu dalku gaaro, isagoo sheegay in askari, rayid, oday, wiil iyo gabar haddii ay musuqmaasuq sameeyaan uusan matelin wasaaradda ama xafiiska uu ka shaqeeyo uu falkaas uu isaga ku kooban yahay.

Ugu dambeyntii, madaxweynaha Soomaaliya wuxuu sheegay inay dowladdiisu difaaci doonto suxufiyiinta, balse aysan ogolaan doonin in suxufi uu dalkan ka shaaciyo warar been ah oo aan waxba ka jirin isagoo lagu sabayo lacag yar si dalka uu fidno uga abuuro.

Daafeet.Com