Shir madaxeedka ururka Midowga Afrika ayaa maanta ka furmaya xarunta ururku uu ku leeyahay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, iyadoo shirkaas uu Soomaaliya uga qayb-galayo madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxda Afrika ayaa kaga hadli doona shirkooda sannadkan dagaallada ka socda dalka Maali iyo ka bixitaanka Soomaaliya ay ka baxday xilligii KMG ahaa iyo aqoonsiga uu Mareykanku siiyay.
Madaxweyne Xasan Sheek ayaa lagu wadaa inuu kulankaas ka jeediyo khudbad uu ku sharraxayo howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, wixii dowladda u qabsoomay iyo sidoo kale waxyaabaha ay dowladda Soomaaliya uga baahan tahay dalalka Afrika.
Xarunta ururka Midowga Afrika ayaa waxaa ku sugan madaxda dalalka Afrika, iyadoo la filaayo in uu kasoo boxo qodobo muhiim ah oo ku saabsabsan arimaha dalalka africa.
Daafeet.Com