Wafdi ka socdey Laamaha Qaramada Midoobay,Gar ahaan mas,uulka ugu sareeya UN Sacurity ee Gobolada Koonfureed iyo Xubno la socdey ayaa Maanta waxaa ay ka soo dageen Garooonka Diyaaradaha ee degmada Garbahaarey.
Wafdigani ayaa mudadii Saacadaha ahaa ee ay ku sugnaayeen Degmada Garbahaarey ayaa waxay Booqdeen Isbitaalka Degmada,Xeryaha ay ku jiraan Dadadka Barakacayaasha iyo weliba Goobo kale oo ay ka mid yahiin Garoonka diyaaradaha iyo Xafiisyadaha Hay,adaha Samafalka Garbahaarey,iyagoo markii dambena kulamo kale gedisan la qaatey Xubnaha Dowlada ee Gobolka iyo kuwa Degmada.
Mas,uuliyiinta Garbaharey ayaa waxay sheegeen wafdigan in arimahii ay ka wada hadleen ay si wanaagsan isugu afgarteen,islamarkaana Wafdigu ay ka heleen ballanqaad ku aadan sidii gargaarka Bini,aadinimo loola soo gaari lahaa Garbaharey iyo Nawaaxigeeds iyo Weliba Dib u howlgelinta Garoonka Diyaaradaha Garbahaarey.
Hadaba kulankaasi ka dib ayaa waxyaabahii looga hadlay waxaa Warbaahinta Wadajir uga warbxiyey Maxamuud Sayid Aden oo ku sugan Garbahaarey
Halkan ka Dhageyso Maxa
Daafeet.Com