Wareegto kasoo baxday xafiiska kusimaha madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliya isla markaana ah gudoomiyaha Baarlamaanka JF ah ee Soomaaliya Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa waxaa xilkii gudoomiye-nimada gobolka Bay loogu magacaabay Cabdi Aadan Hoosow ayada oo sidoo kalena xilkii gudoomiyaha gobolka Bay looga qaaday Cabdifitaax Maxamed Ibraahim Geeseey oo ahaa gudoomiyaha gobolka Bay.
Wareegtada ayaa lagu wargeliyay wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka magacaabista gudoomiyaha gobolka Bay loo magacaabay Cabdi Aadan Hoosow.
Cabdi Aadan Hoosow ayaa waxa uu kamid ahaa gudi 7 ah oo loo xil saaray qaban qaabada shirweyne maamul goboleed loogu dhisayo gobolada lixda ah ee KoonfurGalbeed Soomaaliya isaga oo ka mid ahaa qurba joogta Soomaalida ee ku nool dalka Ingiriiska waxna ku bartay dalka Ingiriiska.
Gudoomiyaha cusub iyo kii hore ayaa waxa ay ku wada sugan yihiin magaalada Baydhabo.
Dhawaan ayay ahayd markii uu wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka iyo wasiiro kale booqasho ku tageen magaalada Baydhabo ayaga oo shirar lasoo yeeshay odayaasha dhaqanka gobolka Bay iyo weliba bulshada qaybaheeda kala duwan.
Lama oga inuu u hogaansami doono gudoomiyihii hore ee gobolka Bay Cabdifitaax Geeseey magacaabista Cabdi Aadan Hoosow loo magacaabay gudoomiyaha gobolka Bay iyo in kale.