Dowlada Mareykanka oo soo jeedisey in Somaliya laga qaado cunaqabateynta Hubka

0
92

amerMaraykanka ayaa u jeediyay xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay inay oggolaadaan dalabka ka soo yeeray dowladda federaalka Soomaaliya ee la xiriira qaadista cunaqabataynta hubka ee saaran Soomaaliya 21-kii sano ee la soo dhaafay, diblomaasiyiin ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa Talaadadii sheegay.

Baaqa ka soo yeeray Maraykanka ayaa imaanaya hal toddobaad kaddib markii xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay uu ugu baaqay Golaha Ammaanka inuu tixgeliyo qaadista cunaqabataynta hubka si dowladda Soomaaliya ay ugu suurtagasho inay dib u dhisto ciidankeeda.

Golaha Ammaanka ayaa cunaqabtaynta hubka wuxuu ku soo rogay Soomaaliya 1992 si loo yareeyo qulqulka hubka ee kala gaaray dagaal-oogayaashii dirirsanaa, kuwaas oo sanad ka hor xilligaas af-gembiyay madaxweyne Maxamed Siyaad Barre, dalkana u horseeday dagaal sokeeye.

Sarkaal reer galbeed ah oo qariyay magaciisa ayaa sheegay inay isaga imaan doonaan sidii loo khafiifin lahaa xayiraadda soo dejinta hubka Soomaaliya.

Sarkaal Maraykan ah ayaa sheegay inay dowladdiisa keliya taageerayso codsi in muddo ah ugaga imaanayay dowladda Soomaaliya iyo dalal Afrikaan ah.

Diblomaasiyiinta ayaa sheegay in Britain iyo France ay ka soo horjeedaan qaadista cunaqabataynta hubka. Guddiga Qaramada Midoobay u qaabilsan dabagalka xariyaaradda hubka ee dalalka Soomaaliya iyo Eritrea ayaa sidoo kale horey uga soo horjeestay fikradda la xiriirta qaadista cunaqabataynta, danjirayaal ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa sidaas yiri.

Daafeet.Com