Madaxweynaha Dowlada Federalka Somaliya oo gaarey Dalka Masar

0
69

xasanMadaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa xalay gaaray magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar, halkaasoo uu uga qaybgalayo shirka ururka Islaamka (OIC) kasoo ay kasoo qayb-galayaan 59 dowladdood oo Islaam ah.

Wafdiga madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ah wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga, Fawziyo Yuusuf Xaaji Aadan, wasiir u dowlayaasha wasaaradda arrimaha dibadda iyo madaxtooyada, la-taliyaha xagga amniga ee madaxweynaha, Cabdiraxmaan Sheekh Ciise iyo agaasimaha guuud ee madaxtooyada, Kamaal Daahir Xasan.

Shirka ururka Islaamka ayaa maanta oo Arbaco ah ka furmaya magaalada Qaahira waxaana madaxweyne Xasan Sheekh uu ka jeedin doonaan shirka warbixin ku saabsan arrimaha Soomaaliya iyo kaalmada ay caalamka ka doonayaan.

Dalalka Islaamka ayaa waxay shirkooda kaga doodi doonaan dhibaatooyinka ka taagan dalalka Islaamka. Waxaana si gaar ah diiradda loo saari doonaa arrimaha dalka Soomaaliya, Mali, Sudan iyo Suuriya.

Daafeet.Com