Qaramada midoobey oo dowlada Somaliya ugu baaqdey in dib loo furo dacwadii Wariye Koronto

0
53

Press conference Navanethem PillayDowlada Soomaaliya ayaa waxaa loogu baaqay inay dib u furto maxkamadeynta Wariye Cabdicasiis Koronto iyo gabar sheegtay inay kufsadeen askar ka tirsan ciidamada dowlada Soomaaliya oo dhawaan lagu xukumay min hal sano oo xariga ah.

Madaxa Qaramada Midoobay u qaabilsan xuquuqul Insaanka ayaa waxay ka hadashay xukunkii dhawaan lagu riday wariye Koronto oo ahaa halsano oo xarig ah iyadoo sheegtay in dowlada Soomaaliya ay dib u furto kiiska wariyaha.

Navy Bilai oo ah haweenayda Qaramada Midoobay u qaabilsan xuquuqul Insaanka waxay sheegtay in loobahan yahay in lagala dagaalamo dadka kufsiga geysanayo islamarkaana ay qatar tahay dagaalka lagula jiro kufsiga.

Waxayna sidoo kale sheegtay in dowlada looga baahan yahay in baaritaano dhab ah lagu sameeyo kiisaska ku aadan kufsiga loo geysto haweenka gaar ahaan kuwo ku jiro xeryaha barakacayaasha.

Daafeet.Com