Kenya oo yareyn doonta ciidamada ka jooga Dalka Somaliya

0
79

knyaKenya ayaa yareyn doonta ciidamadeeda ka jooga dalka Soomaaliya 20% todobaadyada soo socda,marka loo eego warbixin ay soo saareen golaha amaanka ee qaramada Midoobay.

Qorshaha yareynta ciidamada Kenya ee ka joga Soomaaliya ayaa imaanaysa iyadoo qaramada midoobay ay Kenya ay siisay dhaqaalo gaaraya 132 Million oo doolar ,oo la isku raacay in la siiyo ciidamada Kenya bisha july si magdhow ahaan ah.

Qaramada Midoobay ayaa bixisay inka yar hal million oo doolar ,waxaana safiirka Kenya ee Qaramada midoobay Macharia Kamau,uu u sheegay golaha amaanka ee qaramada midoobay in dib u dhigida bixinta dhaqaalaha qorsheysaysan ay tahay, mid aan la aqbali Karin oo aan suurto gal aheyn.

Warbixinta qaramada midoobay ayaa lagu sheegay in ciidamada Kenya ay xaqiijiyeen amaanka dekeda Kismaayo iyo magaalada ,iyadoo sidoo kale ay ku sugan yihiin deegaano kale oo jubbooyinka ka tirsan.

Hadalka ayaa imaanaya iyadoo dowlada Kenya ay la kulantay qaraxyo iyo dilal qorsheysan waxii ka dambeeyay markii ciidamadeeda ay soo galeen gudaha dalka Soomaaliya.

Daafeet.Com