Madaxweynaha dowlada federalka oo Magalada Qahira kula kulmey Jaliyada Somaliyeed ee ku nool Qahira

0
45

Hasan QahiraMadaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar shaqo ku jooga adlka Masar ayaa xalay magaalada Qaahira kula kulmay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Masar.

Madaxweynaha ayaa jaaliyadda ku wargeliyay in Soomaaliya ay hadda dib ugu soo noqoneyso wadaddii toosnayd, loogana baahan yahay in jaaliyadda dibadda ay ka qeyb-qaadato dib u dhiska dalka.

Sidoo kale, Xasan Sheekh wuxuu faahfaahin ka bixiyay qorshaha cusub ee ay dowladda ku damacsan tahay inay dalka xasillooni ugu soo celiso, kaasoo ku xusan lixda tiir siyaasadeed ee dowladda Soomaaliya ay ka shaqeynayso, amniga iyo cadaaladda ay hormuud ka yihiin.

Wafdiga madaxweyne ee ka qayb-galay xafladda waxaa ka mid ahaa ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Fawziyo Yuusuf Xaaji Aadan, marwadda madaxweynaha, Qamar Cali Cumar iyo wasiir u dowlaha arrimiha dibadda iyo iskaashiga caalamiga, Maxamed Nuur Gacal.

Daafeet.Com