Madaxweeynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Max’uud iyo wafdigii uu hogaaminayay ayaa maanta dib ugu soo laabtay dalka kadib safarro kala duwan oo ay kusoo kala bixiyeen qaar katirsan wadamada caalamka.
Madaxweeynaha oo warbaahinta kula hadlay garoonka ayaa ka warbixiyay safarradii kala duwanaa ee uu ku soo bixiyay dalalka Itoobiya, Mareykanka, Biljimka, Ingiriiska iyo Masar, wuxuuna sheegay in safarkoodii uu ugu soo dhamaaday si guul ah.
Madaxweeynaha ayaa sheegay in madaxda dalalkii uu booqashada ku tagay uu kala hadlay sidii ay u taageeri lahaayeen dowladda Soomaaliya, isagoona xusay in madaxda dalalkaasi ay u ballanqaadeen in ay si dhab ah u taageerayaan Soomaaliya.
Madaxweeynaha ayaa sheegay in dalka Masar uu kula kulmay madax dhowr ah oo kasocotay qaar katirsan wadamada Carabta, wuxuuna xusay in ay uga warbixiyeen xaaladda uu marayo dalka iyo taageerada ay u baahantahay Soomaaliya.
Madaxweeynaha ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay ka faa’iideystaan taageerada caalamka la garab taaganyahay Soomaaliya, islamarkaasina ay la shaqeeyaan dowladda si buu yiri ay dib ugu soo laabato sharaftii iyo magacii uu lahaa dalka Soomaaliya.
Daafeet.Com